Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Maanta U Fadhiistay Ka Doodidda Xeerka Uu Dhawaan Madaxwaynaah Somaliland Usoo Gudbiyay Golaha Wakiilada

0
940

Mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa manta u fadhiistay ka doodida xeerkii uu dhawan madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay golaha wakiilada Somaliland ee ku saabsana in goluhu wax ka badal iyo kaabis ku sameeyo xeerka doorashooyinka dalka.

Waxaana kalfadhigan lagaga doodayay ansixinta wax ka badalka xeerka doorashooyinka hogmaaninayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”.

Waxaana kalfadhigan oo ay badiba kazoo xaadireen mudanayaasha golaha baarlamaanka Somaliland loo qaybiyay qoraal ku saabsan in xildhibaanadu ka doodaan ansixinta waxka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”oo furay kalfadhigan uu sheegay in mudanayasha golaha loo qaybin doono waraaqo isla markaana ansixinta xeerka layskugu soo noqon doono maalinta bari ah hadii alle idmo.

Kalfadhigan manta u furmay golaha baarlamaanka Somaliland ayaa waxa lagaga doodi doonaa sidii loo ansixin lahaa in xeerka doorashooyinka wax ka badal iyo kaabis lagu saameeyo taasi oo uu dhawan madaxwaynaha Somaliland usoo gudbiyay aqalka golaha wakiilada Somaliland.