Faysal Cali Waraabe Oo Ku Dooday Inaanu Cali Guray Ku Jirin Golaha Dhexe Ee UCID

0
872

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee xisbigaasi Cali Guray oo sheegay in ay sharci tahay murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen.
Faysal Cali Waraabe oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta dalka, ayaa waxa uu sheegay in ay sharciga ku kala bixi doonaan isaga iyo Jamaal Cali Xuseen, waxaaana uu Cali guray ku tilmaamay shakhsi war-wareeg badan oo kolba xisbi ku biira, isla markaana hadalkiisu aanu wax ka soo qaad ah lahayn.

“Cali Guray anigaa magacaabay xisbiga kuma jiro mana haysto kaadhkii golaha dhexe, ku meel gaadh ahaan ayuun baan u magacaabay Cali Guraygan leh lacag baa la lunsaday waxa uu soo maray laba xisbi oo lacag badan haysan jiray oo ah KULMIYE iyo UDUB, lacagta kabka ahna anigaa ka masuula, anigay dawladu ila xisaabtamaysaa, markaa wixiisu wax ka soo qaad ma leh. xisbigu sharci ayuu leeyahay, sharcigaas ayaa lagu soconayaa, gole dhexe ayuu leeyahay, nidaam ayuu leeyahay, wixii nidaamkaa ka baxsan waa nin iska hadlay uun,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID , waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin gacansaar uu la leeyahay xisbiga KULMIYE, isla markaana tartan ka dhaxeeyo labada xisbi ee kale, waxaana uu yidhi “Xisbiga KULMIYE, waanu tartamaynaa, Muuse Biixi waa nin ay ilmaadeer yihiin Cali Guray, jabhadii ayay isku ahaayeen, haddii uu Muuse damac yeeshay oo uu yidhi musharax ayaan noqonayaa in uu xaasido maaha oo uu meelahaa ka caytamo ee waa inuu damac yeesho, markaa Cali Guray oo kolba meel taga aniga wax ba ii dhimi maayo oo waxba ka soo qaadi maayo hadalkiisa oo danno ka waaweyn ayaan ku mashquulsan nahay, waxaan idiin sheegayaa qofkii wax tabanaya in uu sharciga xisbiga lagu kala bixi doono.’’

Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaas ku daray in khilaafka UCID aanu ahayn mid tagaya maxkamad, waxaanu yidhi “Way iska hadlayaane khilaafkani maaha wax maxkamad tagaya, hadday maxkamad tagtana xeerka xisbiga ayuun baa la akhriyayaa, xisbiga gudihiisa ayaana lagu doodaaye dad inta la soo urursado lama caytamo, Cali Gurayna waxa aanu leeyahay haddii aad Muuse la dagaalamaysid la dagaalan waa inaadeerkaaye, laakiin xisbigani wuu tartamayaa, Cali Gurayna markii Maxamed Biixi Yoonis soo bixi waaayay ayuu marada tuuray oo wuxuu la dagaalamayaa Muuse Biixi waxaana ku rajo waynahay in aanu guusha helno anigana ha i moodin caruurta face-book-ga ka qeyliya.’’